
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa safiir cusub u magacawday dalka Raashiya kadib markii la bedelay safiirkii hore oo muddo dalkaasi u fadhiyay Soomaaliya.
Cabdullaahi Maxamuud Warsame (Duqow) ayaa xilkan loo magacaabay, isagoo Soomaaliya u fadhin doona magaalada Moscow, waxaana xilkaasi laga qaaday Maxamed Maxamuud Xandulle oo tan iyo sanadkii 2007 u fadhiyay Ruushka.
Safiirka cusub ee Duqow ayaa ah nin wax ku soo bartay dalka Ruushka, wuxuuna hormuud ka soo noqday Kulliyaddii farsamada Soomaaliya, wixii ka dambeeyay 1991 wuxuu u wareegay Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan horumarinta ee UNDP.