Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya aysan dhaqaale siinin dowlad Goboleedyada leh Dekadaha ee uu Dakhliga u soo xaroodo.
Wuxuu sheegay in in dowladda dhexe ay kaliya lacag miisaaniyadeed siiso dowlad Goboleedyada aan lahayn dekadaha. Iyadoo buu yiri dowlad Goboleedyada ay kala dhaqaale badan yihiin islamarkaana kuwa dekadaha leh ay helaan dhaqaale ka badan kuwa kale.
Mar uu ka hadlay canshuurta lagu soo rogay shirikadaha ka howlgala xerada Xalane ayuu caddeeyay in ilaa 40 shikadood oo ay leeyihiin dad isugu jira Soomaali iyo Ajaanib ay ka shaqeystaan Xerada Xalane, kuwaas oo hadda diiwaankooda la buuxiyay canshuurna laga qaadi doono doonayo.