Friday, June 27, 2025

Dowladda Soomaaliya oo shaacisay Magacyada xubno ka tirsan Alshabaab oo gacanta lagu dhigay [Akhriso]

Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay Magacyada xubno ka mid ah Al-shabaab oo Ciidamada dowladda ay howlgal ka dhacay Sh/hoose lagu qabtay.
Wasiirka Warfaafinta XUkuumadda Soomaaliya C/raxmaan Cumar Cismaan Yariisoow oo shir jaraa’id qabtay kaddib kulanka Golaha wasiirrada ayaa sheegay in 29 ka mid ah  xubnaha Al-shabaab oo ay ku jiraan Ragga Al-shabaab u qaabilsan Afgooye ay Ciidamada dowladda gacanta ku hayaan.

Waxaa uu sheegay in howlgal Ciidamada dowladda ay ka fuliyeen Afgooye lagu qab qabtay Rag uu sheegay in ay ka mid yihiin Hoggaanka Al-shabaab ee dhinaca amniga, Qaraxyada, miinada, farsamayaqaannada qaraxyada iyo xubno kale oo uu sheegay in ay Al-shabaab u qaabilsanaayeen yashkiilinta Dhallinyarada ku biireysa Al-shabaab.

Magacyada uu Wasiirku sheegay waxaa ka mid ah:

1- Eedeysane Aweys Qadar Axmed oo ahaa amiirka qeybinta howlgallada Al-shabaab ee Afgooye.

2- Eedeysane Cabdullahi Maxamuud Mukhtaar oo ah farsamaqayaanka Qaraxyada Al-shabaab

3- Eedeysane Saalax C/Qaadir Cabdulle oo ah madaxa lacagaha Al-shabaab ee Afgooye

4- Eedeysane Maxamed Aweys Cali oo amniyaadka AL-shabab ka tirsan

5- Eedeysane Maxamed Xuseen Salaad oo amniyaadka ka tirsan

6- Eedeysane Maxamed Cali Xasan oo ka tirsan Amniyaadka Al-shabaab,

7- Eedeysane Bakar Maxamed Yacquub oo ahaa Miiniiste,

8- Eedeysane Sakariye Salaad Maxamed oo ka tirsan Amniyaadka Al-shabaab

9- Iyo eedeysane Aweys Kamaal Sh. Muxiddiin oo ka tirsan Amniyaadka Al-shabab.

Sidoo kale Wasiir Yariisow ayaa sheegay in gacanta lagu dhigay C/Wali Cabdi Daa’uud oo horay u dilay Guuleed C/Qaadir Muuse oo ahaa sarkaal ka tirsan Booliska waaxda ilaalinta Cashuuraha.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON