Tuesday, June 24, 2025

Dowladda Soomaaliya oo si toos ah u faragelisay Doorashada Galmudug [Wafdi gaaray Cadaado]

Wafdi ay dowladda Soomaaliya u dirtay magaalada Cadaaado ayaa maanta gaaray halkaasi iyagoo ujeedkoodu yahay in dib loo dhigo doorashada madaxweynaha maamulkaasi.

Wafdiga waxa hogaaminayay wasiirka arrimaha gudaha iyo Federaalka Cabdi Axmed Juxa, waxaana ka mida wasiiru dowlaha howlaha guud iyo qaar ka mida xildhibaanada labada aqal ee kasoo jeeda maamulkaaasi.

Xildhibaanada ka mida wafdiga ka dhex muuqdaL Cabdi Xasan Cawaale  Qeybdiid, Xildhibaan Mahad Salaad, Xildhibaan Yuusuf Geelle, Dhagey iyo Xildhibaano badan.

Wafdiga dowladda ayaa waxa soo dhoweeyay ku-simaha madaxweynaha Galmudug Maxamed Xaasshi iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka, iyadoo wahadal toos ah uga socdaan magaalada Cadaado.

Codi uu hore ugu diray Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre Baarlamaanka Galmudug ayay ku gacan seyreen, waxaana culeyskii ugu danbeeyay ay dowladda Soomaaliya ku saareysaa maamulkaasi in ilaa bisha danbe ee May dib loo dhigo doorashada si ay uga qeyb galaan kooxda Ahlu suna.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON