Friday, August 8, 2025

Dowladda Soomaaliya oo war kasoo saartay weerar lagu dilay sarkaal sare oo Alshabaab ka tirsan

Dowladda Soomaaliya ayaa war ka soo saartay howlgallo ciidamada Kumaandooska Soomaaliya oo kaashanaya ciidamo Mareykan ah ka fuliyeen Gobolka Jubada Dhexe.

Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa war saxaafadeed ay soo saartay caawa ku sheegtay in howl gallo qorsheysan oo Ciidamada xoogga dalka, gaar ahaan Kumaandooska Danab ka fuliyeen Jubadda Dhexe,  sida Sunguuni, Jilib iyo Saakow.

Howlgalka degaanka Sunguuni ayaa la sheegay in lagu burburiyay saldhig Al-Shabaab ku lahayd iyo koontarool ay lacago baad ah ku qaadi jireen.

Howlgal kale ayaa laga sameeyay degmada Jilib, gaar ahaan tuuladda Hargeysa-yareey, kaasoo lagu gubay Gaadidka dagaal oo ay leeyihiin Alshabaab, laguna dilay tiro maleshiyaad ah, sida uu sheegayo War-saxaafadeedka.

War-saxaafadeedka wuxuu ku gaabsaday in  howlgalka Saakow lagu qaaday lagu dilay Sarkaal muhiim ah, oo aan faahfaahin laga bixin, iyadoo lagu soo qabtay Hub iyo saanad ciidan.

Warar la isla dhex marayay maalmahan ayaa sheegayay in howlgal ka dhacay  degmada Saakow lagu dilay saraakiil sare sida amiirka kooxda iyo afhayeenka howlgallada, laakiin waxaa muuqata in dowlada Soomaaliya iyo Mareykanka aysan ilaa hadda heynin xaqiiqo ku saabsan weerarkaasi.

Goobjooge.com 

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON