Wararka laga helayo xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegaya in dowladda Federaalka ay dadaalkii ugu danbeysay ugu jirto in la hakiyo doorashada madaxweynaha maamulka Galmudug.
Wafdi uu hogaaminayo wasiirka Arrimaha gudaha iyo Federaalka Cabdi Faarax Juxa ayaa tegaya magaalada Cadaado, iyadoo ujeedkiisu yahay in Baarlamaanka maamulkaasi lagu qanciyo dib u dhigista doorashada madaxweynaha.
Wasiir Juxa ayaa loo diray shaqo adag iyadoo Baarlamaanka Galmudug uu hore u diiday codsi ka yimid Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre oo ku saabsanaa dib u dhigista doorashada Galmudug muddo 45 maalmood ah.
Lama oga waxa uu wasiirku kala kulmi doono xildhibaanada Galmudug oo ku adkeysanaya inay doorashada dhici doonto 10-ka April.
Goobjooge.com