Wednesday, June 25, 2025

Dowladda Sweden oo Malaayiin Doolar ugu deeqday wasaaradaha Maaliyadda & Caafimaadka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa heshiis is-faham (Memorandum of Understanding –MOU) la gashay Dowladda Sweden. Heshiiskan oo ka dhacay xarunta Wasaaradda Maaliyadda ayaa waxaa wada saxiixday  Wasaaradda Maaliyadda, Wasaaradda Caafimaadka, Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Guryeynta iyo dhinaca kale Dowladda Sweden iyo Hay’adda UN-ka ee UNPOS oo iyadu fulin doonto Mashruuca dhismaha.

Dowladda Sweden oo ka mid ah wadamada aad u caawiya Soomaaliya ayaa Mashruuca dhismaha laada Wasaaradood ugu deeqday lacag dhan $4 Million oo Doolar. Heshiiskan ayaa dhigaya dib-u-dhiska xarumihii Wasaaradaha Maaliyadda iyo Caafimaadka oo sanadooyin badan burbursanaa. Labada wasaaradood ayaa in muddo ah dhib ka heystay xafiisyo la’aanta iyagoo shaqaalahooda aysan heysanin goobo shaqo oo ay ku fuliyaan hawlihii loo idmaday.

Dhismaha cusub ee Wasaaradda Caafimaadka ayaa waxaa laga hirgelin doonaa degmada Shangani (xaruntii hore ee Aspima), halka kan Wasaaradda Maaliyadda uu ka soo horjeedo Hotel Curuba. Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Maxamed Aadan Ibraahim (Farkeeti) ayaa sheegay in maaligelinta dhismooyinka ay wax-wayn ka taridoonto habsami u socodka shaqada Wasaaradaha, wuxuuna mahad celin gaar ah u jeediyay Dowladda Sweden dadaalka ay ku bixinayso xaqiijiinta dib-u-dhiska xaruumaha dowliga ah.

Sidoo kale Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Xaawo Xasan Maxamed ayaa iyana dhankeedka u mahad celisay Dowladda Sweden waxay tilmaantay in mashruucan uu yahay mid la taaban karo oo wax weyn ka bedeli doono waxqabadka wasaaradaha. Gebagebadii Safiir-ku-xigeenka Safaaradda Sweden ee Soomaaliya Urban Sjostrom ayaa sheegay in dowladiisu ay mar walba garab taagan tahay Soomaaliya, mashruucan uu yahay mid sii xoojinaya xiriirka labada dal.

Dib u dhiska labada wasaaradood ayaa la qorsheeyey dhismahooda in la soo geba gebeeyo horaanta sanadka cusub 2016, haduu Ilaahay idmo.

IMG_0476

glaxy 6 014 (1)

glaxy 6 009

Goobjooge.com

[ad name=”HTML-1″]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON