Dowladda Tunisia ayaa soo saartay amar goobaha shaqada looga mamnuucay haweenka inay xirtaa indha-shareerka (Niqaabka) ay qaataan dumarka.
Ra’iisal Wasaaraha xukuumadda Tunisia Youssef Chahed ayaa shaaciyey in xafiisyada dawladda dalkaasi ka mamnuucday xirashada indha-shareerka ee dumarku qaataan, iyadoo sabab looga dhigay arrimaha dhinaca amniga ah.
Arrintan ayaa ka danbeysay, markii dhowaan ay dalkaasi ka dhaceen weerarro is-miidaamin ah, iyadoo dalkaasi ay dowladii hore u mamnuucday shaqaalaha dowladda ee haweenka ah inay haweenka, xirtaan niqaabka, iyadoo dib loo furay sanadkii 2011.
Xafiiska Ra’iisal wasaaraha Tunisia ayaa wareegto laga soo saaray lagu sheegay in lagu mamnuucay in hay’adaha dawladda aanu soo geli karin qof kasta oo wajigiisu daboolan yahay, arrimaha amni dartood.