Turkiga ayaa sheegay inuusan Soomaaliya kula tartameynin dalal kale oo loolan kala dhexeeyo, sida uu sheegay safiirka dowladda Turkiga u jooga Soomaaliya Olgan Bekar.
Safiirka ayaa sheegay inay dalal badan oo Soomaaliya taageera, lakiin Turkiga aad uga duwan yahay dalalkasi, isagoo aan dano gaar ah ka lahayn Soomaaliya, marka laga reebo inuu dalkaasi dib u soo kabto oo cagihiia isku taago, wuxuuna caddeeyay in Turkiga aanu marna faragelin ku sameyn arrimaha Soomaaliya.
Safiirka Turkiga ee Soomaaliya Olgan Bekar oo ay soo xigatay wareysi siiyay Wakaaladda Wararka Turkiga ee Anadolu ayaa sheegay inay dowladda Soomaaliya ka taageereyaan dhinacyo kala duwan oo dhismaha cidiamada ka mid yihiin, iyadoo Turkigu tababarrayo Ciidamada Milatariga iyo kuwa sida gaarka ah u tababaran.
Ciidamada AMISOM la’aantood ayuu sheegay in Soomaaliya ay dhibaato geli lahayd, waxaa uu xusay in Turkiga uu Saldhig Ciidan ka dhisay Muqdisho kaas oo lagu tababaro Milatariga Soomaaliya, waxaa kale oo uu intaas raaciyay in Dowladda Turkiga ay tababarto Booliska Soomaaliya haddana qorshaha ku jirto tababaridda Ciidamada sida gaarka ah u tababaran.
Qorshaha taageerada Soomaliya waxaa Turkiga u qaabilsan Hay’adda TIKA ee horumarinta Turkiga, iyadoo mashaariic waaweyn ka wada gudaha Soomaalida sida:
1- Dhismaha Xarunta Baarlamaanka Soomaaliya
2- Diyaarinta Biya-xireenno loo sameynayo labada Wabi ee Jubba iyo Shabeelle
3- Dhismayaasha Wadooyinka, iyadoo Mashaariicda TIKA ka fuliso Caalamka ay Soomaaliya ka mid tahay Waddamada ugu badan ee laga fuliyo.