Qoysaska ciidamada Uganda ee dhawaan lagu dilay deegaanka Janaale ee gobolka Shabeelada hoose ayaa ka cabanaya in meydadka loo keenay aysan ahayn meydadkii saxda ahaa ee dadkii looga dilay Soomaaliya.
Reerka Emmanuel Wanyama oo ka tirsanaa ciidamada lagu dilay degaanka Janaale ayaa waxa ay sheegen in wiilkoodu uu ahaa wiil dheer balse meydka loo keenay uu ahaa meydka qof aad u gaaban , isla markaana ay rabaan in ay helaan meydka wiilkooda oo aanay qaadan karin meyd aysan lahayn.
“ Meydka aan helnay waxa uu ahaa qof da’ weyn , wiilkeenu waa uu yaraa, markii aan naxashka furnay meydka aan aragnay ma ahayn kan wiilkyaga”. ayuu yiri James Odoki oo ah adeerka Emanuel oo intaas ku daray in dowlada Uganda ay ka doonayaan wax ka qabashada arrintan.
Sarkaal u hadlay ciidamada Uganda ayaa sheegay inay qaadayaan tijaabo dhanka DNA-da oo lagu ogaanayo hidaha asal ahaan meydadka la isku qalday. Hooyada dhashay Emmanuel Wanyama oo meydkiisa la la’ yahay ayaa ku calaacashay inay welweshay maalintii isniinta ahayd markii ay wacday telefoonka wiilkeeda kadidna ay ogatay inuu dansan yahay.
Dowladda Uganda ayaa maalmo kahor dib ugu duulisay dalkeeda meydadka 10 askari oo Ugandes ah oo lagu dilay weerarkii Al-shabab ay ku qaadeen fariisinka ciidamada AMISOM ee magaalada Janaale, iyadoo beenisay in weerarkaasi looga dilay wax ka badan 12 askari.
Goobjooge.com
[ad name=”HTML-1″]