Thursday, June 26, 2025

Dowladda Uganda oo Ciidamadeeda jooga Somaliya ka tallaaleysa cudurka Covid-19

Dowladda Uganda ayaa billowday inay ciidamadeeda ka howlgala Soomaaliya ee ka tirsan AMISOM ee jooga Soomaaliya, kuwaas oo isugu jira milatari iyo boolis siiso tallaalka ka hortagga xanuunka COVID19.

Munaasad kooban oo lagu daahfurayay tallaakan ayaa waxaa ka soo qeybgalay taliyaha guud ee AMISOM Sarreye Guuto Don Nabasa, wuxuuna askarta ku boorriyay inay dhammaantood is tallaalaan.

“Tallaalku wuxuu bad-baadin doonaa naftaada, wuxuuna kaa ilaalin doonaa inaad si daran u xanuunsato haddii uu ku haleelo caabuqan dilaaga ah ee COVID19. Wuxuu sidoo kale tallaalkan hoos u dhigayaa halista aad ugu jirto inaad qaaddo iyo in aad dad kale qaadsiiso, sidaa daraadeed waa muhiim in aan dhammaanteen qaadanno” ayuu yiri taliyaha guud ee AMISOM Don Nabasa.

Madaxa howlgallada milatari ee AMISON Col. Allan Kalanzi ayaa soo dhaweeyay tallaabooyinka ay qaadday dowladda Uganda, taasoo uu ku sheegay inay dhameystiri doonto dadaallada ay AMISOM ku xakameyneyso faafitaanka cudurkan.

Taliye xigeenka ciidamada Uganda ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM Col. John Winston Mugarura ayaa qiray in cudurka Coronavirus uu saameyn ku yeeshay howgallada milateri, ayna aheyd in mar hore si deg-deg ah wax looga qabto.

Madaxa ugu sarreeya Isbitaallada AMISOM ee Muqdisho Kabtan Dr. Gideon Nuwagira ayaa isna mar kale ku celiyay in tallaalku uu xoojinaayo dadaallada lagu xakameynayo cudurka COVID19.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON