Monday, June 23, 2025

Dr. Fuje: “Isbitaalladii waaweynaa kan ugu yar 50 qof ayuu uga dhacay Coronavirus..”

Dr. Maxamed Maxamud Cali (Dr. Fuje) ayaa sheegay in baahi weyn loo qabo sidii wax looga bedeli lahaa dhaqanka dadka oo ku saabsan cudurka Covid-19 si looga hortago cudurka oo kusii faafaya dadka.

Dhaqtarka oo ah tala-bixiyaha caafimaadka dowladda ayaa markii ugu horeysay sheegay in shaqaalaha caafimaadka uu si weyn cudurka Covid-19 u galay, isla markaana haddii uu cudurku soo rito tiro badan aan loo heyn isbitaallo iyo dhaqaatiir midna.

“Haddii ay dhacdo dad badan inuu gaaro cudurka.. dhaqaatiir looma hayo, isbitaal looma hayo. dhaqaatiirtii waa nooga dhacay. Waxaan idin sheegaya sbitaallada waaweyn maanta isbitaalka ugu yar ilaa 50 qof ayuu uga dhacay oo shaqaalihii ah.. yaa shaqeynaya, yaa dadka gargaaraya..?” ayuu yiri Dr. Fuje oo dadka uga digay meelaha la isugu yimaado iyo suuqyada.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON