Ciidamo ka tirsan Xoogga dalka oo muddo saddex bilood tababar ku qaatay Dugsiga Tababarka ee Turkiga ee Muqdisho ayaa maanta loogu soo xiray tabbarkaasi xaflad ay ka qeyb galeen mas’uuliyiin uu ka mid yahay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Gen. C/weli xuseen Jaamac (Gorod).
Munaasabadda waxaa ka qeyb galay Safiirka Dowlada Turkiga u jooga Soomaaliya, wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, Wakiilka Midowga Afrika iyo Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka iyo Tababarayaal Turki ah.
Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliya S/gaas C/Wali Jaamac Xuseen Gorod, ayaa Baaq u diray Dowladaha taageera Soomaaliya, isaggoona ugu baaqay in ay ka qeyb qaataan dhismaha Ciidamada xoogga dalka.
General C/weli Jaamac Xuseen(Gorod), ayaa waxa uu sidoo kale sheegay in ciidamadaan maanta uu u dhammaaday tababarka ay u tababaran yihiin dhanka dhulka, isla markaasine ay dowladda Turkiga u dhameestirtay qalabka ay ku howlgali lahayeen.
Muddo seddex bilood ah ayay ciidamadaani tababar ku qaateen Xarunta Dugsiga Tababarka Turki Som, waana Dufcadii labaad ee ka qalin jabisa Xarunta Dugsiga tababarka Turkiga.