Dufcadii ugu horeysay oo ka kooban 131 arday ayaa ka qalin jebisay Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed kadib dib loo howl geliyay muddo dheer oo ay ku xirantay dagaaladii sokeeya.

Xafladii lagu maamuusayey qalinjebintaa waxaa ka qeyb galay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, wasiiro, xubno ka tirsan labada Gole iyo wafdi ka socday dowladda Talyaaniga, waxayna du dufcaddan noqotay tii 20-aad ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ka baxda.

Jaamacadda Umadda ayaa dib loo howlgeliyey xilligii uu madaxweynaha dalka ka ahaa Madaxweynihii hore ee Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana Madaxweyne Farmaajo uu sheegay in Soomaaliya oo soo martay marxalado kala duwan iyada oo maanta cagta saartay dhabbada dib u soo kabashada iyo horumarka, wuxuuna xusay rajada wanaagsan ee uu ka qabo mustaqbalka dalka.

“Waxaa ii muuqda rajo wanaagsan, waxaa ii muuqda waddan dhaqaalihiisu uu la tartami doono waddamada aan burburin, waddan ka faa’idaysan doona khayraadkiisa dabiiciga ah, hadday tahay beeraha, xoolaha, kalluumaysiga iyo macdanta kale oo aan adduunka u suuq geyn doonno, waxaa ii muuqda in Soomaaliya la maalgashan doono si dhallinyarada idinka oo kale ah shaqo loogu abuuro.” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo oo khudbad ka jeediyay xafladda

131-ka Arday ee ka qalin jebisay Jaamacadda Umadda ayaa ka baxday kulliyadaha: Beeraha, Xannaanada Xoolaha, Shacriga, Dhaqaalaha, & Waxbarashada, waxaana dadka qalin jebiyay ka mid ahaa Yuusuf Ayabakar Shadoor oo hore uga haray waxbarashadii Jaamacadda Umadda xilligii dowladii hore, basle hadda dib u bilaabay.

Madaxweynaha oo ku bogaadiyey aqoonyahanka Soomaaliyeed doorka muuqda ee ay ka qaateen in dib loo furo Jaamacadda Ummadda iyo in la helo dhallinyaro waxbaratay oo ka qayb qaadata dib u dhiska dalka ayaa tilmaamay mudnaanta ay dowladdu siinayso in ay joogtayso, siina xoojiso taageerada Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed iyo guud ahaan hay’adaha waxbarashada dalka.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa ammaanay Hormuudka iyo Bareyaasha Jaamacadda Ummadda oo ku soo shaqeeyay duruuf adag, isla markaana ka miradhaliyey hiigsigii dib u soo nooleynta Jaamacadda iyo barbaarinta jiilka berri, wuxuuna ardayda qalinjabisay kula dardaarmay in ay dhexda u xirtaan sidii ay uga shaqeyn lahaayeen horumarka dalkooda, aqoontoodana ay ugu adeegi lahaayeen shacabkooda.

Xafladda Qalin jebinta ee Jaamacadda Umadda waxay ahayd mid si weyn loo soo agaasimey oo ay khudbado ka jeediyeen Guddoomiyaha Jaamacadda, Wasiirka Waxbarashada iyo marti sharaf kale.

Waxaa Qalinjebinta goobjoog ka ahaa xubno ka socday Golaha Shacabka, Aqalka Sare, Xukuumadda, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, diblomaasiyiinta ka hawlgala magaalada Muqdisho

Waxaa xafladda kasoo qeyb gashay Wasiir Kuxigeenka Arrimaha Dibedda Dowladda Talyaaniga Marwo Emanuela C. Del Re oo xafladda Qalinjebinta u timid magaalada Muqdisho.