Monday, July 14, 2025

Duniya M. Faarax: “Darawalkii Siyaad Barre ayaa naga dhacaya guri aan iibsanay…” Dhageyso Kiiska Xaashi Furre

Haween Soomaaliyeed oo ganacsato ay laguna kala magacaabo Duniyo Maxamed Faarax iyo Haweeyo Xirsi Faarax ayaa saxaafadda u sheegay in guri ay iibsadeen oo ku yaalla degmada C/casiis ee Gobolka Banaadir uu si xoog ah uga heysto nin sarkaal ah oo lagu magacaabo Xaashi Bulxan oo ahaan jiray darawalkii madaxweynihii hore ee Soomaaliya haddana ka shaqeeya Xafiiska Ra’iisal wasaaraha.

?
Kiiska guri lagu heysto Xaashu Furre

Duniyo Maxamed Faarax waxay sheegtay in Gurigaan ay ka iibsadeen Nin la yiraado  C/risaaq Xaaji Cali Faarax  si ahna ay iibsadeen ayna heystaan dhammaan dokumentiyadii guriga ay  iibsadeen. Waxayna intaas ku dartay  in Ninka ku haysta Guriga  lagu Magacaabo ee Xaashi Bulxan oo ahaan jiray Darawalka Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Siyaad Barre, hadana ah Darawalka Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaake uu doonayo inuu hantidooda ka dhaco.

Daar codka Duniya oo kaliya

Waxay sheegeen in Xaashi uu markii hore u sheegay inuu guriga ka kireysay Mooryaan Hawiye ah oo dhammaantood dhintay, cida ku sheegatana aanu arag, markii dambena aawood u adeegsaday oo ciidamo iyo qori u soo qaatay arrintiisuna meel waliba gaartay.

Haweeyo Xirsi Faarax oo iyaduna ka mida gabdhabaha guriga leh  waxay ku dooday in  meel waliba oo ay u dacwoodeen iyo maxkamad kasta ay u xukmisay gurigooda, kadibna Ciidanka Booliska oo lagu Amray in ninkaas ka saaraan balse uu dagaal kala hor yimid, isagoo garab ka helaya Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxda Soomaaliyeed sida ay sheegtay.

Haweeyo ayaa ugu danbeyn baaq u dirtay Ummadda Soomaaliyeed, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Madaxda Dowladda Soomaaliya oo ku Aadan in aan laga dhicin Gurigooda oo ay si Sharci ah ku iibsadeen.  Sidoo kale Gabdhahaan Ganacsatada ah ayaa soo bandhigay Caddeymo muujinaya Cidda leh Guriga, kuwaasoo ah warqadihii caddeyn lahaanshaha Guriga.

DHAGEYSO CODKA HAWEEYA IYO DOODDA

20150906_12142820150906_121459

[ad name=”HTML-1″]

20150906_12150820150906_12332520150906_12333520150906_123344

Goobjooge.com

[ad name=”HTML-7″]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON