Duqeyn cusub ayaa la sheegay inay ka dhacday Gobolka Sh/Hoose, kadib weerar cirka ah oo lagu qaaday goob ay ku sugnaayeen maleeshiyada Alshabaab.
Warbaahinta Dowladda Soomaaliyaa ayaa sheegtay in ciidamada dowladda oo kaashanaya saaxiibada caalamka ay dileen in ka badan 20 dagaalyahan oo ka tirsan Al-Shabaab, kadib howlgal ay ka fuliyeen deegaannka Cali Fuuto oo 35 KM u jira degmada Kuntuwaaray ee gobalka Shabeellaha Hoose.
“Waxaa lagu beegsaday laba guri oo khawaarijtu ay ku diyaarinayeen maleeshiyaad iyo waxyaabaha qarxa, waxaana howlgalka lagu burburiyey guryihii Khawaarijta fariisinka u ahaa iyo wixii saanad ciidan ahaa ee halkaas ay ku diyaarinayeen.” ayaa lagu yiri warka dowladda.
Duqeymaha ciidamada Ajnabiga fuliyaan ayaa inta badan la sheegaa qasaare kala duwan, iyadoo tirada la dilay ay dowladda Soomaaliya kordhiso, halka Taliska AFRICOM ee Mareyakanka uu sheego tiro aad uga yar tan dowladda Federaalka shaaciso.