Duqeyn iyo Dagaaallo culus ayaa ka dhex qarxay ciidamada dalalka Armenia yo Azerbaijan, wax yar kadib markii ay dhaqan gashay xabbad joojin ay dhexdhexaadisay Russia.
Labada dhinac ayaa isku eedeeyay inay jebiyaan heshiiska xabbad joojinta, waxaana Armenia ay sheegtay in diyaaradaha Drone-ka ee Azerbaijan ay weerar ku hayaan fasiisimaha ciidamadeeda, halka Madaxweyne k uxigeenka Azerbaijan uu goor dhoweyd shaaciyey in Armenia ay sii wado duqeyn iyo dagaal ay ka wado dhammaan furmiaha dagaalka, halka ay ciidamadooda is difaacayaan.
Dalalka Armenia iyo Azerbaijan ayaa heshiis xabbad-joojin maanta ka bilaabaneysagobolka Nagorno-Karabakh maanta ku gaaray magaalada Moskow, kadib laba toddobaad oo uu socday dagaal culus oo lagu tilmaamay kii ugu weynaa in ka badan 25 sano.
Wasiirradda arrimaha dibadda ee labada dal ayaa bayaan ay soo saareen ku sheegay in xabbad joojintu ay tahay mid la isku weydaarsanayo maxaabiista iyo isku celinta kuwa ku dhintay dagaalka, iyagoo intaa ku daray in faahfaahinta gaarka ah dib looga heshiin doono.
Ku dhawaaqista heshiiskan ayaa timid ka dib 10 saacadood oo wadahadallo ah oo ka dhacay magaalada Moscow oo uu martegeliyay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Ruushka Sergey Lavrov, oo isagu akhriyay bayaanka. Heshiiska ayaa qeexay in xabbad joojintu ay gogol xaar u noqoto wadahadallo lagu xallinayo khilaafka.
Haddii xabbad joojintu ay hergasho, waxay calaamad u noqon doontaa guul weyn oo diblomaasiyadeed oo ay gaartay Russia, oo heshiis dhanka amniga ah la leh Armenia laakiin sidoo kale xiriir wanaagsan uu kala dhexeeyo Azerbaijan.

Tan iyo bilowgii dagaalka, Armenia ayaa sheegtay in ay u furan tahay xabbad-joojin, halka Azerbaijan ayaa ku xirtay shuruud ah in ciidamada Armenia ay marka hore ka baxaay Nagorno-Karabakh, iyadoo ku doodaysa in fashilka dadaallada caalamiga ah ee gorgortan siyaasad uu keenay in aysan jirin fursad aan ka aheyn isticmaalka awod ciidan.
Dhulkan buuraleyda ah ayaa waxaa iska leh Azerbaijan marka loo eego sharciga caalamiga, laakiin waxa uu gooni u goostay maamul Armenia taageerto markii uu burburay Midowgii Soofiyeeti, waxaana ku nool oo xukuma bulsho ka soo jeedda qowmiyadaha Armenia.
Jimcihii, Madaxweynaha Azerbaijan ayaa meesha ka saaray in wax tanaasul ah loo sameeyo Armenia, isaga oo ku dooday in goobta lagu dagaallamayo ay tahay “dhulkeenna mana sameyn doono wax tanaasul ah.”