Sunday, July 13, 2025

Duqeyn lagu burburiyay Saldhigii ugu weynaa Alshabaab ee Gobolka Mudug

Wararka laga helayo Gobolka Mudug ayaa sheegaya in weerar cirka ah lagu qaaday xaruntii ciidan ee ugu weyneyd Alshabaab oo ay ku lahaayeen Gobolka Mudug.

Duqeynta ayaa lagu burburiyay saldhiggii maleeshiyada Al-shabaab ee deegaanka Dumaaye oo ka tirsan degmada Xarardheere ee gobolka Mudug, waxaana la sheegay inay halkaasi ka wadeen abaabul dagaal oo ku sugnaayeen maleeshiyo fara badan.

Sidoo kale xaruntan oo lagu magacaabo xerta Sheekh Maxamed Ragee ayey ALshabaab isugu geeyeen Hub iyo Gaadiid dagaal oo badan, laguna diyaarinayay maleeshiyada Al-shabaab inta aan duqeynta lala beegsan.

Wasiirka Arrimaha Gudaha dowladda Federaalka Axmed Macallin Fiqi ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook-ga ku sheegay inuu weerarkan dhcay, waxaa sidoo kale ka hadlay wasiir ku xigeenka Warfaafinta.

Taliska ciidamada dowladda iyo maamulka Galmudug ayaa weli ka hadlin weerarkan cusub, iyo qasaaraha ka dhashay, mana jirto cid madax bannaan oo xaqiijin karta qasaaraha goobta ka dhacay.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON