Waxaa Allaha u naxariistee maanta magaalada Muqdisho ku geeriyooday Duqii magaalada Muqdisho Axmed Muude Xuseen oo ka mid ahaa mas’uuliyiinta taariikhda galay ee magaalada Muqdisho.
Axmed Muude Xuseen ayaa Duqa magaalada Muqdisho ahaa intii u dhaxeysay sanadkii 1958-1963, wuxuu ahaa nin si toos ah loo soo dooray, wuxuuna ku geeriyooday muqdisho maanta isagoo da’diisu tahay 88 sano jir.
Marxuumka ayaa muddo kooban  xanuunsanayay sida  xaqiijiyeen ehelkiisa, waxaana la filayaa in dhowaan lagu aaso magaalada Muqdisho.
Marxuun Axmed Muude waxaa lagu xusuusan doonaan taariikh dheer oo uu ku lahaa xoriyadii dalka iyo maamulkii caasimadda Soomaaliya xilligii dowladii daakhiliga ahayd iyo dhalashadii dowladnimada Soomaaliya, wuxuu xubin ka ahaa Baarlamaankii  dowladdii Rayidka ee Madaxweyne Aadan Cadde.
Allaha u naxariistee Duqii hore ee Magaalada Muqdisho Axmed Muude Xuseen ayaa dhashay Sanadkii 1928-dii, isagoo ka mid ahaa tiirarkii dowlanimada Soomaaliya.
Goobjooge.comÂ