Tuesday, June 24, 2025

Duqii magaalada Gaarisa oo la xiray & Dilka Wasiir Goboleed lagu soo eedeeyay

Duqii magaalada Gaarisa ee Gobolka Waqooyi Bari Kenya Cali Bunow Qorane ayaa xabsiga la dhigay, kadib dacwad lagu soo oogay oo isku dal dil ah.

Cali Bunow ayaa loo heystaa in uu isku dayey dilka wasiirkiisii goboleedkii hore ee maaliyadda Gaarisa Idiris Aadan Mukhtaar sida sheegay warbaahinta Kenya oo kiiska loo heysto duqa Gaarisa ku tilmaantay mid halis ah.

Duqa Gaarisa Cali Bunow Qorane ayaa saaka aroortii ay askar boolis ahq, ka qabteen gurigiisa oo Nairobi ku yaalla, markii uu isku dayey inuu dibadda u baxo, waxaan loo dhaadhiciyey xabsiga ciidamada, isagoo wajahaya dacwad isku day dil ah.

Wararka ayaa sheegaya in isku dayga dilka wasiir goboleedkii hore ee Idriis Aadan uu dhacay kadib madaxa laga toogtay isagoo hoteel hor maraya, kana soo baxay masaajid u dhawaa, waxaan dilkiisa geystay saddex dabley ah, waxaana hadda uu yaallaa isbitaal iyadoo xaaladiisu aad u liidato.

 

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON