Duuliye ka tirsan shaqaalaha Q/Mdoobay ayaa lugtiisa ku waayay kadib markii uu soo weeraray Yaxaas badeed xeebta Badweynta India ee magaalada Muqdisho.
Duuliyahan aya ku dabaalanayay Baweynata India agagaarka Garoonka diyaaradaha Muqdisho, waxaana gurmad u sameeyay ciidamada AMISOM, iyadoo markii lasoo badbaadiyay kadib uu arkay inay maqan yahay lugtiisii bidix, dhiig badanna uu hareeyay.
Duuliyahan oo aan magaciisa la shaacin ayaa la shaqeeya xafiiska UN-ka ee Muqdisho (United Nations Support Office), waxaana weerarka uu ku soo qaaday Yaxaas badeedka uu yahay kii ugu qasaaraha badnaa ee xeebtaasi ka dhaca.
Ciidamada AMISOM ayaa ku daweynaya isbitaalkooda, waxaana xaaladiisa ay tahay mid culus.
SAWIRRO
Goobjooge.com