Wednesday, June 25, 2025

Eedeysanayaashii Qaraxa diyaaradda Daallo oo la xukumay [FAAHFAAHIN]

Maxkamada Ciidanka Qalabka Sida ayaa maanta xukun xabsi daa’in ah ku riday kabo nin oo  ka mida eedeysanayaashii Qarxintii  Diyaaraddii Daallo Airline ee 2-dii Febraayo  loogu abaabulay Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde.

Sidoo kale Maxkamadda ayaa 8 kale oo eedeysane ku xukuntay xabsi u dhexeeya Afar sano ilaa Lix Bilood. Safiyo Cabdullaahi Xasan oo ahayd gabadha kaliya ee ku jirtay dadka loo haystay dacwadaasi ayaa lagu xukumay Afar sano oo xabsi ciidan ah.

Eedeysanayaasha dacwada ayaa isugu jiray shaqaale Garoonka ka shaqeyn jiray, xubno ka tirsan ciidamada amaanka iyo dad kale kuwaas oo la soo qab qabtay kaddib baaritaano ay sameeyeen laamaha amaanka ee dowladda Soomaaliya.

Xukunka ugu adag ee Maxkamadda Darajada koowaad ee ciidamada riday ayaa ahaa xabsi daa’in lagu xukumay Cabdiwali Maxamuud Macoow oo ahaa  sarkaal ka shaqeeya  Garoonka Aadan Cadde, kana tirsan ciidamada nabadsugidda oo  Maxkamaddu ku heshay dembigii lagu soo oogay iyo Carays Xaashi Cabdi oo isagoo maqan isna lagu xukumay xabsi daa’in.

Gudoomiyaha maxkamadda darajada koobaad ee ciidammada Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute ayaa ku dhaawaqay xukunka lagu riday labada nin ee ay sheegtay in ay ahaayeen maskaxdii ka danbeysay Qaraxii loo gaystay Diyaaradda Daallo.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON