Monday, July 14, 2025

Eeyaha AMISOM oo shaqo ka hor istaagay Saxafiyiinta Muqdisho

Wariyayaasha ka howgala magaalada Muqdisho ayaa maanta ayaa ka carooday, kana laabtay kulan lagu xusayay maalinta Yurub oo ka dhacayay xarunta Xalane ee Garoonka diyaaradaha Muqdisho kadib markii lagu qasbay inuu baaro Eey tababarran oo ka mid Eeyaha AMISOM adeegsadaan.

eeyo

Wariyayaasha oo  diiday in Eygaasi baaritaan ku sameeyo iyaga iyo qalabkooda ayaa isaga goobta, iyadoo ciidamada AMISOM  iyana ku adkeysteen in go’aankooda.

Ciidamada AMISOM ayay caado u noqotay inay adeegsadaan Eeyaha wax baara taasoo  keentay inay isku dhacaan dadka doonaya inay gudaha Xalane gaareen iyo ciidamada AMISOM. Weriyeyaasha yaa sheegay in Eeyaha dhareerka ka da’aya aad yaabeyso ay diideen inay baaraan iyaga iyo qalabkooda, kadibna dib uga laabteen xafladii looga yeeray.

Arrintan oo saxafiyiinta Muqdisho caqabad ku noqotay ayay hore ugala hadleen Madaxda Midowga Afrika ee Soomaaliya oo laftiisa muslim ah, kaasoo sheegay inuu wax ka qaban doono xaaladda, hase yeeshee dhibaatadii ay weli taagan tahay.

Halkan hoose ka dhageyso warbixinta Radio SBC:

 

Goobjooge,com

[ad name=”HTML”]

 

[ad name=”HTML-6″]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON