Monday, July 14, 2025

Ergada Shirka Cadaado oo la loo qeybiyay Ajende aanay wax ka bedeli karin

Wararka laga helayo magaalada Cadaado  ayaa sheegaya inuu bilowday wejigii labaad ee shirka maamul u sameynta Gobolada dhexe iyadoo ergooyinkii shirka ay ka qeyb galeen xilli ay dibadda joogaan ergooyinka dhowr beelood oo diidan qaabka wax loo qeybiyay.

Kulankii ugu horeeyay ayaa ka furmay hoolka shirarka ee madaxtooyada Maamulka Ximan iyo Xeeb waxaana ergada loogu qeybiyay qorshayaasha horyaala oo ay tahay inay ka doodaan.

shirka cadaado

Guddoomiyaha guddiga farsamada Xaliimo Ismaciil Ibraahim ayaa ugu horeyn shirka furtay, iyadoo u yeerisay ergada waxyaabaha ay qaban doonaan. Waxay u sheegtay in ergadu todobaadkan oo dhan ay ka doodi doonaan qabyo qoraalka Dastuurka KMG ee maamulka Mudug iyo Galgaduud, lagana rabo inay ansxiyaan.

Waxay kaloo ka dhawaajisay in arrimaha laga soo gudbay aan laga hadli karin sida in maamulku noqonayo Gobol iyo Bar iyo inuu yahay laba Gobol, arrintan oo ergada shirka su’aalo badan ka keeneen.

Guddiga farsamada oo horeba ay u hareeyeen eedeymo kala duwan ayaa hadda u muuqda inuu dusha ka hagayo shirka oo ergada aanay lahayn awood ay wixii ay doonaan uga doodi karaan, waxaana jiritaanka guddiga u muuqdaa inuu noqon doono mid aan dhammaansho lahayn iyadoo la filayay in Guddigu xilkiisa ku dhammaado marka ergada shir guddoon yeelato oo wejiba labaad ee shirka la guda galo.

Guddiga farsamada ayaa hadda la filayaa inuu xilkiisu sii socda ilaa Baarlamaanka laga xulayo oo Baarlamaankaasina uu guddoon dooranayo, lagana yaabee in awoodiisu markaas kadib sii jirto.

[ad name=”HTML-1″]

[ad name=”HTML-6″]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON