Friday, July 4, 2025

Ergada Shirka Jowhar oo ansixiyay caasimadda maamulka Gobollada Hiiraan & Sh-Dhexe

Ergada ka qeyb galaysa shirka maamul u sameynta Shabeelaha Dhexe iyo Hiiraan ayaa goor dhow cod ay u qaaday xarunta maamul goboleedka labada gobol waxay isku raaceen inay caasimaddu  maamulkaasi noqoto Magaalada Jowhar.

Saddexdii maalmood ee ugu dambeysay ayaa ergo ka socota beelaha labada gobol ee Sh/dhexe iyo Hiiraan ayaa waxaa ay ka doodayeen dastuurka maamul goboleedka uu yeelanayo.

shirka-jowharQodobka 4aad ee  cutubka 1aad ee qabyo qoraalka Dastuurka loo qeybiyay ergada ayaa waxaa ku qoran Magaalo madaxda iyo xarunta DGH&SHDH waxaana xubinta ugu horeysa ay ka codsanaysaa ergada inay soo buuxiyaan halka ay noqoneyso magaalada madaxda iyadoo u qoran tahay sidan:

1 Magaala Madaxda Dowlad Goboleedka DGH&SHDH waa…………….

Wararka shirka ayaa sheegaya in codka loo qaaday halka ay noqoneyso caasimada ay inta badan ergada shirka u codeeyeen magaalada Jowhar

Wareegto uu  hore u soo saaray Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo magaalada madaxda labada gobol loogu magacaabay Buuloburte ayaa lagu burriyay wareegto kale oo laba maalmood ka hor uu soo saaray Xasan Sheekh {Akhri}.

Fadhiyada ergada shirka Jowhar ayaa loo diiday saxaafada madaxa bannaan, waxaana kaliya oo loo ogolaaday Idaacadda iyo talefishinka dowladda.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON