Wednesday, June 25, 2025

Ergayga Midowga Afrika oo booqday Baydhaba & kulamo uu la yeeshay Shariif Xasan [SAWIRRO]

Ergeyga Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Francisco Madiera ayaa booqashadiisa ugu horeysay ku tegay magaalada Baydhabo ee xarunta maamulka Koonfur Galbeed, wuxuuna  kulan gaar ah la qaatay Madaxweynaha Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan, iyagoo ka wada hadlay arrimo dhowr ah oo ku saabsan amniga iyo qodobo kale.

Madaxweynaha Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa sheegay inay ka mahad celinayaan taageerada mar walba ay ka helaan Ciidamada AMISOM. Wuxuuna intaas ku dray inay wada hadleen Wakiilka Midowga Afrika sidii amniga loo xoojin lahaa, miinooyinka looga saari lahaa jidadka iyo qaabkii Al-Shabaab looga xoreyn lahaa deegaanada ay wali gacanta u hayaan.

Sidoo kale waxaa uu la kulmay Taliyeyaasha AMISOM ee ku sugan Baydhabo iyo laamaha amniga Maamulka Koofur Galbeed. Ergeyga Midowga Afrika Amb. Francisco Madiera ayaa sheegay in kulankii uu la qaatay Madaxweyne Shariif Xasan ay uga wada hadleen arrimaha iskaashiga amniga ee ka dhaxeeya Hey’adaha Amniga AMISOM iyo Maamulka Koofur Galbeed.

“Waxaa Baydhabo ku imid safarkeygii u horeeyay, tan iyo markii aan xilka la wareegay, waxaa la kulmay Madaxweynaha Koofur Galbeed Shariif Xasan, Taliyaha AMISOM qeybta Baydhabo, madaxda laamaha ammaanka, waxaa ka wada hadalnay sidii loo xoojin lahaa amniga iyo horumarada laga sameeyay”ayuu yiri Danjire Madiera.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in laga wada hadlay sidii loo sii wadi lahaa howl galka ka dhanka ah Al-Shabaab, isla markaana tababarada la siinayo ciidamada Koofur Galbeed la sii joogteyn lahaa.

Baydhabo ayaa waxay saldhig u tahay qeybta saddexaad ee howl galka AMISOM ee Sector Three, waxaana ku sugan Ciidamo ka socda Midowga Africa Gaar ahaana Kuwa Itoobiya.

DAAWO SAWIRRO :

madiera-1

madiera-2

madiera-3

madiera-4

madiera-5

madiera-6

madiera-7

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON