Monday, July 14, 2025

Ergayga Q/Midoobay oo sheegay inaan muddo loo kordhin doonin Golayaasha dowladda Federaalka

Ergeyga Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Kay ayaa maanta furitaankii shirka  Hiigsiga Cusub ee Soomaaliyauga dhawaaqay  in marka la gaaro sanadka 2016-ka aan la aqbali doonin muddo Kororsi ay sameystaan golayaasha dowladda, isagoo ku adkeystay in arrintaasi ay tahay mid aan dhici doonin.

14

wuxuu soo xigtay Ergeyga go’aan Golaha Ammaanka ku gaareen in aysan jirin wax muddo kororsi ah oo Golayaasha dowladda Federaalka loo kordhinayo wuxuuna sidoo kale intaas ku daray inay jiraan qaar ka mida madaxda dalka oo qaba in xilka loo kordhiyo balse taasi aanay ahayn qorshe furan.

Danjire Nicholas Kay wuxuu welwel ka muujiyay inaysan shirka Muqdisho kasoo qeybgelin Hoggaamiyeyaasha Maamulada Jubba iyo Puntland oo xurguf kala dhaxeyso dowladda Soomaaliya.

 

Wuxuu sheegay in houmar laga gaaray xaaladda Soomaaliya inkastoo ay jiraan caqabado badan oo hor yaala hiigsiga cusub, isagoo rajo ka muujiyay nidaam doorasho oo Soomaaliya ka hirgala noocuu doono ha noqdee.

Goobjooge.com

[ad name=”HTML-1″]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON