Monday, June 23, 2025

Ergeyga Q/Midoobay ee Soomaaliya oo ka digay mooshinka uu wado Madaxweynaha

Muqdisho, 2 November 2014 – Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay (SRSG) u qaabilsan Soomaaliya, Nicholas Kay, ayaa mujiyay inuu aad uga walaacsanyahay xasaradda siyaasadeed ee ka dhexeeya Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisal Wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed, oo khatar gelinaya dadaalka dalku ugu jiro inuu gaaro ujeeddooyinka siyaasadeed ee muhimka ah ee lagu qeexay Barnaamijka Aragtida 2016.

“Xafiiska Hawlgalka Qaramada Midoobay ee Kaalmaynta Soomaaliya waxaa weligiis ka go’an inuu ka soo baxo xilka loo igmaday oo ah inuu Soomaaliya ku kaalmeeyo hirgelinta nidaam federaal ah, dastuur cusub iyo doorasho la qabto marka la gaaro bisha September sannadka 2016, sida ku qeexan Dastuurka Federaalka Ku Meelgaarka ah iyo Barnaamijka Aragtida 2016,” ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah Nicholas Kay. “Waxaa ugu baaqayaa dhammaan dhinacyada isku haya khilaafka inay raadiyaan xal meel-dhexaad ah oo labada dhinacba raalligeliya oo u ogolaada horumarka ay Soomaaliya ka gaartay dhanka siyaasadda iyo amnigaba inuu sii socdo hakasho la’aan.

 

Ad

“Waxaan garowsanahay oo aan ogahay xilkasnimada xildhibaanada Baarlamaanka ee isxilqaamay iyo hawsha adag ee ay hayaan, laakiin waxaan ka walaacsanahay eedeymo sheegaya in qaar ka mid ah Xildhibaanada la weydiisanayo inay codkooda lacag siistaan iyadoo laga yaabo inuu dhaco mooshin ‘Kalsooni Kala Noqosho ah’, taasoo dhabarjab ku ah horumarka ay Soomaaliya u qaadayso dhanka isla xisaabtanka iyo hufananaanta,” ayuu raaciyay. “Soomaaliya iyo dadka Soomaaliyeedba waxay mudanyihiin wax sidaas ka fiican.”

Mudane Kay wuxuu ku celiyay baaqii uu dhowaan jeediyay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-moon oo ku baaqay in heerka ugu sareeya ee Dowladda Federaalka laga helo midnimo siyaasadeed iyo hawlaha la hayo oo si wadajir ah u sii socota, wuxuuna sheegay in tallaabo kasta oo uu qaado dhinac kasta ee xasillooni darro siyaasadeed abuurta lagu wargelin doono Golaha Amaanka Qaramada Midoobay, oo la ogeysiin doono in tallaabooyinkaas ay khatar gelin karaan, qasna ka abuuri karaan mustaqbalka hirgelinta Barnaamijka Aragtida 2016.

“Waxaan marka kasta diyaar la ahay inaan dadaalkayga dhexdhexaadin ku bixiyo si aan u raadino xal dhexdhexaad ah; waxaan si dhow ula shaqaynaynaa Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya, Urur-Goboleedka IGAD, Midowga Yurub, Ethiopia, Boqortooyada Midoobay ee Ingiriiska, Maraykanka iyo kuwo kaloo badan annagoo baadigoob ugu jirta xal arrinta loo helo,” ayuu raaciyay.

- Advertisement -

Dhamaad

 

N Envoy to Somalia expresses deep concern over political tensions, urges unity and continuity

Mogadishu, 2 November 2014 – The Special Representative of the UN Secretary-General (SRSG) for Somalia, Nicholas Kay, has expressed deep concern over the political tensions between President Hassan Sheikh Mohamud and Prime Minister Abdiweli Sheikh Ahmed, which puts at risk the country’s efforts to achieve critical political targets set out in Vision 2016.

- Advertisement -

 

“The United Nations Assistance Mission in Somalia remains committed to fulfilling its mandate to assist Somalia to achieve federalism, a new constitution and elections by September 2016, as set out in the Provisional Federal Constitution and Vision 2016,” SRSG Kay said. “I call on all parties to seek a mutually satisfactory compromise that will allow Somalia’s political and security progress to continue without interruption.”

“I recognise the dedication and hard work of Members of Parliament, but I am concerned about allegations of some MPs being asked to exchange votes for cash in the context of a potential ‘No Confidence’ motion, which is a disservice to Somalia’s progress towards accountability and transparency,” he added. “Somalia and Somalis deserve better.”

Mr. Kay repeated recent calls by UN Secretary-General Ban Ki-moon for political unity and continuity at the highest level of the Federal Government of Somalia, and noted that any action by any party that creates political turmoil would be reported to the UN Security Council, who will be notified that such action risks spoiling the prospect of implementing Vision 2016.

 

“I continue to offer the use of my good offices to seek a compromise; we are working very closely with the African Union Mission in Somalia, the Intergovernmental Authority on Development, the European Union, Ethiopia, the United Kingdom, the United States and many others in search of a solution,” he added.

Source: http://unsom.unmissions.org/

 

[ad name=”HTML”]

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON