Monday, July 14, 2025

“Ex-Banaadir hala baabi’iyo waa xeelad ku saleysan hala baabi’iyo Beelaha dega”

Iyadoo maal-mahaan ay si xowli ah u socdaan kulamo looga arrinsanaayo maamul u sameynta goballada aanan weli sameysan is-maamul-goballed, ayaa waxaa nasiib darro ah, in  goballadii leysku dhihi jiray Ex-banaadir oo kala ah Xamar, gobalka shabellaha dhexe iyo gobalka shabellaha hoose ay noqdaan looma ooyaan, iyadoo ay  su’aal-weyn ka taagan tahay sababta gobalka Sh/hoose  loogu daray is-maamul goballeedka la magac baxay koofur galbeed Soomaaliya ee dhowaan la yagleelay oo ay xaruntiisu tahay Baydhabo, taas oo ay macnaheedu tahay shacabka  degan deegaanka Sheekh Ibraahim Gacal oo Xamar u jira wax ka yar 2-KM wixii galbeed ka xigga waxaa laga xakumaayaa Baydhabo.

Qaabka Xamar maamul loogu sameynaayo waxaa la yiri,  dib haloo dhigo inta laga dhameystiraayo ” dastuurka-qabyada ah”,  iyadoo sida la qiyaasaayo ay Xamar  ku nool yihiin ugu yaraan 1.5 milyan u dhalatay deeganaada leysku yiraah  Ex- benaadir, halka  1 milyan oo isugu jira  wax ku dhashey iyo kuwo u soo shaqo tagay xamar yihiin,  maadaama ay Xamar tahay   xarunta  dowlada dhexe ee  Federaalka Soomaliyeed.

[ad name=”HTML-3″]

Intaas waxaa ka sii xannuun badan, gobalka shabellaha dhexe oo ay hada ku socoto, sheekadii ” Dibiga Cad “,  sheekadii dibiga cad waxay tahay, Libaax ayaa la saaxibey  sedax (3) dibi, mid cad, mid madow iyo mid guduudan, markaasuu maalin maal maalmaha kamid ah,  ayuu kulan gaar ah la yeeshey dibigii guduudney iyo kii madoobey, markaasuu ku yiri labadii dibi, war dibiga cad  habeenkii marka ay caddaddu jirto ayaa caddaantiisa la arkaayaa ee aan naga khaarajiyo dibiga cad, labadii dibi wey ka ogolaadeen  codsigii Libaaxa.

Muddo kadib ayuu  Libaaxii u yeeray dibigii gududnaay, markaasuu ku yiri, dibiga madow wuu nugul yahay ee aan cuno?, dibigii gududnay wuu ka ogolaaday codsigii  Libaaxa, muddo gaaban ka dib libaaxii wuxuu u yeray dibigii gududney wuxuuna ku yiri, saaxib waan baahanahay mana joogo dibi aanan adiga aheyn oo aan cuno, sidaas awgeed adiga ayaan ku cunaayaa ee ku  raali noqo dibi guduudow, markaasuu ku jawaabay dibi guduud, iska key cun, laakiin  Libaxow ogsoonow waxaad  i  cuntay markii  aan kaa  ogolaaday inaad cunto dibi-cadde.

Hadda gobalka shabellaha dhexe waxaa la cunay markii Xamar la cakiray, gobalka shabellaha hoosena lagu darey maamulka koofur galbeed ee uu xaruntiisu tahay Baydhabo, dadka ka soo jeeda goballadii  leysku dhihi jiray  Ex-banaadirna ay ka dhiidhiwaayeen tacadiyada lagu sameeyey.

[ad name=”HTML-2″]

Haddaba, su’aasha mudan in leys weydiiyo, waxay tahay yaa ka danbeeya dhibaatadaan uu xanuunkeedu ku dhici doono jiilka soo socda ee u dhalan doona goballadii leysku dhihi jiray ex-banaadir?.

Waxaa loo badinayaa inay  dhibaatadaan ka danbeeyaan seddax (3) kooxood oo kala ah:

1)  Koox isugu jirta siyaasiin iyo xaasidiin aanan ka soo jeedin ex-banaadir oo aad u dhibsanaaya dhaqanka suuban ee reer ex-banaadir, barwaaqada joogtada ah ee  ex-banaadir iyo deganashahooda dabiiciga ah.

2) Qaar ka mid ah dowladaha deriska , kuwooda aanan lahayn Bad (sea)  oo raba inay  Badda Soomaaliya  ka  dhistaan dekedo waa weyn  oo ay ka isticmaalaan  goballada Soomaaliya sida gobalka Sh/Hoose iyo Sh/Dhexe, gaar ahaan Marka iyo Cadale iwm.

3) Siiyaasiin uu derejo jeceyl ka qaaday damiirkii dadnimo oo daacad u ah dowladaha aanan Soomaaliya la rabin inay noqoto dowlad xoog leh, balse doonaaya inay  Somaaliya weligeed ahaato dowlad diciif ah.

Ugu danbeyntii,   dadka ka soo jeeda deegaanadaan uu dulmigu ku socdo, waa inay ogaadaan inay xaq u leeyihiin in ay ka tashadaan masiirka deegaanadooda oo aysan ku qasbaneyn inay masiirkooda u daba-fadhiistaan siyaasiin ku xiran  dowlado shisheeye, sidoo kale waxayna ku qasbaneyn inay masiirkooda u daba-fadhiistaan siyaasiin sheekhu-kuli ah oo raba inay ku gaaraan dana siyaasadeed oo aan dhammaad lahayn.

Sidoo kale, jaaliyadaha ka soo jeeda deegaanadaan uu ku socdo dulmigaan iyo bah-dilka waa in ay ka dhiidhiyaan oo ay baaqyo is daba joog ah u kala diraan madaxda dalka ugu sarreysa  sida madaxweynaha DFS,  guddoomiyaha baarlamaanka FS, Ra’iisul Wasaaraha DFS iyo beesha caalamka qeybaheeda kala duwan.

Ex-banaadir hala baabi’iyo waa xeelad ku saleysan hala baabi’iyo beelaha dega ex-banaadir ee Rabiyow adigu badbaadi dadkaan iyo deegaanadaan ay ku dagaalamaayaan danleyda kala daran.

Waxa Qoray:  Mohamoud Ghedi Aw Hilowle

[email protected]

Mog. Som.

[ad name=”HTML”]

[ad name=”HTML-5″]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON