Friday, June 27, 2025

Faaduma Insaaniya oo noqotay Safiirka Soomaaliya ee xarunta Q/Midoobay, Geneva

Safiirka cusub ee Soomaaliya u fadhin doona magaaalada Geneva oo ah xarunta xafiisyada UN-ka Faadumo C/llaahi Maxamed ayaa waraaqaheeda aqoonsiga safiirnimo uu ka guddoomay fulinta ee Qaramada Midoobay Michael Møller, Director-General.

insania

Faduma Insaniya ayaa xilkan dhowaan loo magacaabay iyadoo bedeli doonta allaha u naxariistee Yuusuf Maxamed Ismaciil (Baribari oo ku geeriyooday weerarkii kooxda Alshabaab ku qaadeen Hotelka Maka Almukarama ee magaalada Muqdisho. Safiirka cusub waxay hore uga soo shaqeysay wasaaradda arrimaha dibadda ilaa 2013, waxay sidoo kale qunsul kasoo noqotay safaaradda Soomaaliya ee dalka Tanzania iyadoo qeyb ku lahayd dib u furistii safaaradda Soomaaliya ee Washington. Waxay kaloo soo noqotay xubin Baarlamaan.

Waxay ka mid ahayd shan safiir aan magacyadooda la shaacin oo golaha wasiirada ay si duuduub ah u ansixiyeen 2-dii Bishii April 2015, balse kadib waxaa la magacaabay in ka badan 7 safiir oo intooda badan howlgaleen.

Goobjooge.com

[ad name=”HTML-1″]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON