Doon ay saarnaayeen dad shacab ah ayaa ku qalibantay Webiga Shabelle ee Gobolka Sh/hoose iyadoo dad badan ay ku dhinteen, qaarna la waayay.
Doontan ayaa ka baxday degmada Afgooye iyadoo ku socotay qaar ka mida degmooyinka iyo tuullooyinka Gobolka Sh/hoose sida Qoryooley, Awdheegle iyo tuullooyin kale ayaa la sheegay inuu shilku qabsaday, kadib markii ay gadoontay, taasoo ay ugu wacneyd dadka saaran oo aad u badnaa.
Waxaa la xaqijyey inay doonta rogmatay ku dhinteen 6 qof oo ahaa hooyo iyo caruurteed iyadoo dad kale ay ka badbaadeen markii ay webiga ka soo dabaasheen, waxaana maqan dhowr qof, sida ay sheegeen dadkii kasoo badbaaday shilka Doonta.