Kooxda Alshabaab ayaa weerar kedis ahaa saaka aroortii ku qaaday saldhiga ciidamada AMISOM ee degmada Jalalaqsi.
Weerarkan oo la mid ahaa kuwii waaweynaa ee Alshabaab kula wareegeen dhowr saldhig oo Koonfurta Soomaaliya ku lahaayeen ciidamada AMISOM ayaa ka dhacay 3:00 habeenimo ee saqdii dhexe kadib.
Qoraal ay AMISOM soo dirtay ayaa lagu sheegay in weerarkaasi ay fashiliyeen, isla markaana qasaare dhimasho iyo dhaawac leh soo gaarsiiyeen kooxdii Alshabaab ee weerarka soo qaaday.
Warbaahinta Alshabaab ayaa sheegtay in saddex Saldhig oo kuyaal galbeedka Jalaalqsi ay Alshabaab ku weerareen ciidamada Jabuuti. Waxayna sheegeen inay qabsadeen saldhig ka mida.
Dadka degaanka ayaa sheegay in weerarka xalay uu ahaa mid culus oo madaafiic iyo qaraxyo ku bilowday, waxaana muuqata in la iska caabiyay ciidamada Alshabaab oo ciidamada Jabuuti ay si weyn isku difaaceen.
Qasaare kala duwan ayaa ka dhashay dagaalka, waxaana la sheegay in saaka ay Jalalaqsi tageen diyaarado halkaasi ka qaaday askar dhaawac ah.
Goobjooge.com