Wednesday, June 25, 2025

Faahfaahin: Alshabab oo Weerar gaadmo ah ku qaaday Ciidamada Dowladda Duleedka…

Wararka laga helayo Gobolka Sh/hoose ayaa sheegaya in maqribnimadii maanta ay maleeshiyada Alshabaab weerar gaadmo ah ku qaadeen ciidamo ka tirsan milteriga dowladda Somalia oo halkaasi marayey.

Weerarka ayaa dhaliyey dagaal culus oo labada dhinac dhex maray, waxayna wararku sheegayaan in dagaalku ka dhacay degaanka Cumar Beerre ee degmada Afgooye, waxana dadka degaanka sheegeen in dagaalka uu dhaliyey qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac kala gaaray labada dhinac.

Maleeshiyadii Alshabaab ayaa iasga baxay goobtaasi markii ay iska caabiyeen ciidamadii dowladda ee ay weerarka gaadmada ah la beegsadeen, waxaana markii dambe gaaray ciidamo gurmad ah oo ka tirsan milateriga Soomaaliya.

Degaannada u dhow Afgooye ayey maleeshiyada Alshabaab ka howgalaan, iyadoo si dhuumaaleysi ah u soo gala wadooyinka ay isticmaalaan ciidamada dowladda.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON