Waxaa lagu guuleystay in la damiyo Dab ka kacay Suuqa ugu weyn ee magaalada Muqdisho, gaar ahaan qeybta Cabdalla Shideeyaha iyadoo dabkaasi uu geysay qasaare kala duwan.
Dabka ayaa markii hore ka bilowday Dabaqa Al-Khaliij oo ku dhex yaalla Suuqa Cabdalla Shideeye, wuxuuna gaaray xarumo ganacsi oo u dhow, iyadoo ay halkaasi gaareen gaadiidka Dab damiska oo muddo kadib ku guuleystay inay damiyaan Dabkaasi.
Ciidamada dowladda ayaa xiray goobta, wuxuuna saameyn ku yeeshay ganacsiyo dhowr ah, waxuuna socday daqiiqo, iyadoo ganacsatada iyo dadka caadiga ah markii danbe loo diiday inuu galaan qeybta suuqa, lama soo sheegin qasaare nafeed, marka laga reebo mid hantiyeed.
Wararka ayaa sheegaya in dabka oo xoog lahaa la xakameeyay inta aanu ku fidin qeybaha kale ee suuqa, waxaana gurmad ka geystay gaadiidka dab damiska Hormuud, iyadoo ay cilad qabsatay, waxaana damintiisa ku guuleustay Dab damiska Gobolka Banaadir.