Wararka laga helayo magaalada Boosaaso ayaa sheeegaya inuu iska hor-imaad dhex maray ciidamada Amniga iyo Dabley ka tirsan Daacish oo fulin rabay falal dil ah oo qorsheysan.
Is-rasaaseyn ayaa labada dhinac ku dhex martay maanta bartamaha magaalada Boosaaso, markii ay dableyda oo wadatay Gaari yar ay weerarreen askar ka tirsan Ciidanmada Nabadsugidda ee loo yaqaan PSF, iyadoo dagaalkaasi dhaliyey qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Waxaa iska hor imaadka ku dhintay askari ka tirsan ciidamada Puntlabd iyo Dabley ka tirsan Daacish, iyadoo halkaasi lagu qabtay dabley kale oo ka mida Daacish ah oo iska hor imaadka ku dhaawacmay iyo Gaarigii ay wateen dableyda.
Ciidamada PSF ayaa soo bandhigay Hub iyo waxyaabaha qarxa oo saarnaa Gaarigii ay wateen, iyagoo doonayey inay falal amni darro ka fuliyaan magaalada Boosaaso.

