Kooxda Alshabaab ayaa xalay dagaal xoog leh oo afar jiho ah ku qaaday degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelada hoose.
Dagaalkaoo saacado badan socday ayaa waxaa u suuragashay inay maleeshiyada Alsahbaab gudaha u galaan degmada iyagoo kadib weeraro toos ah ku qaaday saldhigyada ciidamada ee Afgooye.
Rasaas xoog leh oo degmada oo dhan is qabsatay ayaa saameyn ku yeeshay degmada oo dhan, waxaana markii dambe isaga baxeen xilli dambe.
Kooxda Alshabaab ayaa sheegtay inay xalay guud ahaan weerar qorsheysan kula wareegtay degmada isla markaana ay muddo saacado ah heysteen iyagoo ku dilay ilaa 5 skari, lkadibna ay isaga baxeen. Dhinaca dowladda ayaan wax war ah ka soo saarn weerarka Alshabaab ee xalay ka dhacay degmada Afgooye.
Goobjooge.com