Prof. Jawaari & Jeylaani waxay doonayaan in Mooshinka madaxweynaha loo gudbiyo Maxkamadda sare
Faahfaahin ayaa kasoo baxaysa kulan adag oo xalay dhex maray guddoonka Baarlamaanka Soomaaliya iyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, iyadoo kulankaasi weyn looga dooday mustaqbalka Mooshinka laga keenay madaxweynaha iyo sida laga yeelayo.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Prof. Jawaari ayaa codsaday inuu xiriir la sameeyo Maxkamadda sare si mooshinka arrintiisa loo galo, balse waxaa arrintaasi si weyn uga hor yimid Madaxweyne Xasan Sheekh, waxayna doodii isu bedeshay in wax la iska weydiiyo mooshinka kadib iyo hiigsiga cusub wax laga yeelayo.
Guddoomiye ku xigeenka labaad Mahad Cabdalla Cawad ayaa madaxweynaha ka dalbaday inuu caddeeyo sida loo wajahayo hiigsiga cusub kadib 2016 iyo qaabka uu doonayo in looga gudbo, laakiin madaxweynaha ayaa la sheegay inuu ku adkeystay inay u siman yihiin arrintaasi oo ay ka wadahadali doonaan marka mooshinka meel la iska dhigo.
Gorgortanka ku saabsan 2016-ka ayaa caqabadda ugu weyn ee Mooshinka iyadoo lagu tuhunsan yahay in madaxweyne Xasan Sheekh oo keligiis wato qorshe uu doonayo inuu talada ku soo laabto halka Baarlamaanka ay uga eg tahay 2016. Waxaana Baarlamaanka intiisa badan ay doonayaan inay muddo kordhis 1 ilaa 2 sano ah loo sameeyo.
Kulankii adkee ee guddoonka Baarlamaanka iyo madaxweynaha xalay dhex maray ayaan lagu gaarin wax heshiis ah, waxaana xogta aanu heleyno ay sheegaysaa in Guddoomiye Jawaari iyo kuxigeenka labaad Mahad Cabdalla Cawad ay qorsheynayaan inay mooshinka u gudbiyaan Maxkamadda sare.
Kulan dhex maray xildhibaanada taageersan madaxweynaha iyo guddoonka Baarlamaanka ayaa goor dhoweyd ku soo dhamaaday iyadoo aan go’aan ah arrintan laga gaarin laakiin wararka ku dhowdhow gudoonka ayaa sheegaya inuu culeys ka haysto dhinacyo kala duwan oo aanay sii heyn karin mooshinka madaxweynaha.
Goobjooge.com
[ad name=”HTML-1″]