Monday, June 23, 2025

Faahfaahin ku saabsan Qarax Gaari oo ka dhacay Muqdisho & Mas’uul ka badbaaday

Faafhaahin dheeraad ah ayaa ka soo baxeysa qarax maanta ka dhacay magaalada Muqdisho, kaasoo ka dhashay gaari lagu xiray miinada la qarxiyo.

Qaraxa ayaa la sheegay in lagu xiray gaari uu leeyahay mid ka mida madaxda Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Soomaaliya oo magaciisa lagu sheegay Afrax, kaasoo ka badbaaday qaraxa.

Gaariga oo yaalay meel ku dhow wadadda Maka almukarama gaar ahaan agagaarka Shineemo Somalia ayaa qarxay xilli uu mas’uulka ka maqnaa, iyadoo aanay wax qasaare ah ka soo gaarin mas’uulka la doonayay in lagu khaarijiyo.

Ad

Kooxda Alshabaab ayaa sheegata qaraxyada noocan oo kale ah oo muddooyinkii danbe ku yaraa magaalada Muqdisho.

Goobjooge.com

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON