Friday, June 27, 2025

Faahfaahin ku saabsan qaraxii Hotel Jaziira & qasaare hordhac ah oo soo baxay…

Qarax xoog leh oo goor dhoweyd ka dhacay albaabka hotelka caanka ah ee Jaziira ee ku dhow garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa la sheegay in loo adeegsaday gaari weyn oo nooca iska rogaha ah oo laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa, kaasoo albaabka hotelka lagu qarxiyay, loogu talo galay inuu waxyeelo weyn dhaliyo.

jazeera33

Qaraxa ayaa ahaa mid xoog leh oo laga maqlay guud ahaan magaalada Muqdisho, iyadoo wWararka laga helayo Hotelka Jazeera ay sheegayaan inay jiraan qasaare balaaran oo dhimasho iyo dhaawac leh, warar hordhac ah ayaa sheegaya in dadka dhintay ay 6  ruux yihiin iyadoo ay aad u sii kordhi karaan.

Weriyaha BBC-da Maxamed Macalimuu oo sheegay inuu goobta qaraxa u jiray 150m ayaa ka qeyb qaatay caawinta dadka dhaawaca ah sida bartiisa twitter-ka ku sheegay. Ciidamada dowladda ayaa rasaas u furay dhinacyo kala duwan iyadoo la xiray wadooyinka gala hotelka.

Hotelka ayaa ah mid ay inta badan isugu tagaan diblomaasiyiinta iyo mas’uuliyiinta dowladda, waxaana dhowr jeer hor u beegsatay kooxda Ashabaab. Hotelka ayaa la sheegay inuu qasaare culus gaaray oo qeybta xigta wadada ay burburtay, waxaana laga yaabaa in dad badani ku dhinteen.

Waxaa weli la maqlayaa codadka baabuurta gargaarka degdegga ah ee daad gureynaya dhaawaca iyo dhimashada goobta ka dhacday iyadoo laga cabsi qabo in waxyeelada dhacday ay aad u sii kororto.

Marka la fiiriyo qaabka weerarku u dhacay wuxuu la mid yahay qaraxii lala beegsaday dhismaha Hargaha iyo Saamaha oo gaari xamuul ah oo la buuxiyay lagu qarxiyay, waxyeelada ayaa gaartay dhammaan agagaarka hotelka, waxayna dadku sheegayaan in weli burburka laga soo saarayo dad dhintay iyo kuwo dhaawac ah, waxaana xaafado u dhow hotelka laga soo saarayaa dad dhaawac ah oo firirka qaraxu uu gaaray.

Hotelka Jaziira waxaa sidoo kale deganaa diblomaasiyiin waxayna safaarado KIMG ah u ahayd safaaradaha Shiinaha iyo Qatar.

 

Goobjooge.com

[ad name=”HTML-1″]

 

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON