Sunday, July 13, 2025

Faahfaahin laga helay dilka Wasiirkii Beeraha Hirshabeelle (Yaa ka danbeeyay..?)

Faahfaahin dheeraa aha yaa kasoo baxeysa dil caawa magaalada Jowhar loogu geystay Wasiirkii Beeraha Hirshabeelle Marxuum Cabdiqaadir Faarax Axmed (Karaani).

Dilka ayaa waxa geystay dabley hubeysan oo wasiirka weerar ku qaaday xilli uu ka baxay salaadii Cishaha, waxaana la sheegay inuusan wasiirku wadan wax ilaalo ah xlliga dilka loo geystay, ayna goobta ka baxsadeen dableydii.

War goor dhoweyd kasoo baxay Al Shabaab ayey ku sheegatay mas’uuliyadda dilka lagu khaarijiyey Wasiirkii Beeraha Hirshabeelle C/qaadir Abuukar Maxamed (Karaani), waxayna intaas ku dareen in dagaalyahannadooda ay fuliyeen dilkaasi.

Waa markii ugu horeysay ee magaalada Jowhar lagu dhex dilo mas’uul xil sare haya, iyadoo ka mid ahayd magaalooyinka nabdoon amni ahaan ee Hirshabelle.

Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa ka tacsiyadeeyay dilka Wasiirka uu dhowaan magacaabay, wuxuuna ciidamada Amniga maamulkiisa ka dalbaday inay gacanta kusoo dhigaan raggii falkaasi ka danbeeyay.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON