Monday, July 14, 2025

FAAHFAAHIN: Madaafiic lagu weeraray agagaarka Garoonka Diyaaradaha Muqdisho

Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Madaafiic Caawa lagu weeraray degmada Wadajir ee gobolka Banaadir, gaar ahaana agagaarka Garoonka Diyaaradaha Adan Cadde.

Madaafiicda ayaa la sheegay inay qaarkood ku dhaceen  xaafadda Xaafada Buulo Xuubey ee  ku dhow Garoonka, waxaana ay gaarayeen ilaa 7 madfac oo Hoobiye ah.

madfacDadka Xaafada Buulo Xuubey ayaa  sheegay in Madaafiic ay ku habsadeen Masjidka Cabdullaahi Bin Cabaas ee ku yaala Xaafada Buulo Xuubey. Madfac kale ayaa ku dhacay Guri ay dad shacab ah deganayeen isla xaafaddaasi.

Qasaare u badan dhaawac ayaa ka dhashay madaafiicda, waxaana la xaqiijiyay in ilaa 7 qof oo shacab ah ay ku dhaawacmeen madaafiicda.

Mas’uuliyiinta degmada Wadajir iyo Gobolka Banaadir ayaan wax faahfaahin ah ka bixin weerarkan oo Alshabaab ay sheegatay.

Goobjooge.com

 

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON