Sunday, June 29, 2025

Faahfaahin naxdin leh: 15 oo ku dhintay Masjidka Garasbaaley

Faahfaahin dheeraad ah ayaa ka soo baxeysa khasaare laga naxo oo ka dhashay masjid dhisme ka socday degaanka Garasbaaley oo shalay dumay.

Dad ka badan 15 qof o oshaqaale ay ahaa ku dhintay MASJIDKA Garasbaaley ee shalay  ku soo dumay shaqaale dhisme ka waday sida ay sheegeen dadka degaanka.

Dhaawaca ayaa gaaraya in ka badan 40ruux oo kale xaalan oo dhalisay naxdin, kadib markii shalay la shaaciyay in 6 ruux oo kaliya ay ku dhaawacmeen sida uu shalay ku dooday guddoomiyaha degaanka Garasbaaley.

Gaadiidka gurmadka Booliiska ayaa degdeg u gaaray goobta waxaana burburka masjidka hoostiisa maanta laga soo saaray laga soo saaray dad qaba dhaawacyo kuwaas oo la dhigay qaar ka mid ah goobaha caafimaadka iyo Isbitaalada caasimadda. Saraakiisha dowladda hoose ee Muqdisho ayaa xaqiijiyey dhimashada 15 ruux iyo dhaawaca 40 kale.

Warar qaar ayaa sheegaya in ciidanka Booliiska Soomaaliya ay xireen injineerkii masuulka ka ahaa  dhismaha ka socotay masjidka.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON