Tuesday, July 1, 2025

Faahfaahin: Qarax is-miidaamin ah oo lagu qaaday Xarunta Taliska Asluubta ee Magaalada Muqdisho

Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa qarax ka dhacay Ex. Kontarool Afgooye, ee magaalada Muqdisho oo lagu qaaday Taliska ciidamada Asluubta ee Km 7.

Qaraxa oo loo adeegsaday Gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa ayaa waxaa lagu dhuftay albaabka hore ee Taliska ciidamada Asluubta ee ku dhow Ex Control Afgooye, waxaana qaraxa uu dhaliyey burbur iyo qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Waxaa qaraxa ku waxyeeloobay dad la socday Mooto Bajaaj oo qaraxa la kulantay; waxayna wararku sheegayaan inay ku dhinteen laba qof oo shacab ah. Waxaa Gaariga lagu dhuftay derbiga xarunta asluubta, iyadoo la sheegay inuu waday qof is-miidaamiye ah.

Wax faahfaahin dheeri oah lamaga helin qasaaraha gaaray ciidanka Asluubta ee la weerarary, iyadoo la xiray qaar ka mid ah waddooyinka ka agdhow xerada Ciidanka, oo markii horeba aheyd meel aad loo ilaaliyo.

Afhayeenka ciidamada Ciidanka Asluubta Soomaliyeed Gashaale Sare Cabdiqani Maxamed Qalaf ayaa sheegay in uu Khasaaro jiro, balse ay soo gudbin doonaan qasaaraha ka dhashay weerarka.

Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in qasaaraha uu gaarayo in ka badan 5 qof oo isugu jira shacab iyo askartii ilaalada xarunta, dhaawacuna ka badan yahay 10 kale.

Al-Shabaab ayaao sheegatay mas’uuliyadda weerarka, waxayna qasaaraha ku sheegtay inay ku dishay ku dhowaad 10 askari.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON