Friday, June 27, 2025

FAAHFAAHIN: Qarax ka dhacay agagaarka Daljirka Dahsoon, Muqdisho

Faahfaahin dheeraad ah ayaa ka soo baxeysa Qarax xoog leh oo caawa ka dhacay wadada Daljirka Daahsoon ee Magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa  loo adeegsaday Gaari walxaha miineysan oo qarxyp lagu soo xiray, kaas oo ku qarxay goob Goomiiste ah oo ku taalla Dalcada wadada Daljirka Daahsoon agagaarka Idaacadda Dalsan ee magaalada Muqdisho.

Laba qof ayaa  la xaqijiyay inuu ku geeriyoodeen, iyadoo 3 kale ay ku  dhaawacmeen,  sida ay sheegeen ciidamada ammaanka, waxaana goobta gaaray ciidamada ammaanka gaadiidka gurmadka. Waxaa kaloo halkaasi la geeyay baabuurta  Dab-damiska oo damiyay dabkii ka dhashay Qaraxa.

Lama oga ujeedka qaraxa iyo gaariga qarxay cidda lahayd, waxaana hay;adaha ammaanka ay wadaan baaritaano qaraxa la xiriira.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON