Gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo uu watay is-miidaamiye ka tirsan Alshabaab ayaa saaka lagu weeraray xarunta Ciidamada ilaalada wadooyinka ee Taraafikada magaalada Muqdisho oo ku taala degmada Shangaani.
3-ruux ayaa oo ka tirsan ciidamada Booliska ayaa la xaqiijiyay inay ku geeriyootay Qaraxa, waxaa kale oo qaraxa ku geeriyooday ninkii waday gaariga iyo laba qof oo shacab ah, waxaana qasaare kale soo gaaray dadweyne halkaas ka dhowaa.
Qaraxa ayaa ujeedkiisu ahaa in baabuurta gudaha u galo xarunta ciidanka Ilaalada wadooyinka ee Fiisha Taraafiko, laakiin waxaa la sheegay in wadaha gaariga la toogtay kadibna uu gaarigu ku qarxay albaabka xarunta.
Ciidamo fara badan ayaa xiray goobta qaraxu ka dhacay, waxaana socda baaritaan ku saabsan qaraxa saaka ka dhacay magaalada Muqdisho.
Goobjooge.com