Faahfaahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaysa qaraxii maqribnimadi caawa ka dhacay albaabka Madaxtooyada, iyadoo loo adeegsaday Gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha oo la sheegay in lagu dhuftay Bar ay ciidamada ilaalada ku sugnaayeen halka laga galo Madaxtooyada Soomaaliya.
Qasaaraha dhimasho ayaa hadda gaartay 9 ruux waxaana jir dhaawac fara badan oo isugu jira ciidamo iyo dad rayid ah oo fara badnaa kuna sugnaa goobtu qaraxu ka dhacay.
Kooxda Alshabaab ayaa sheegatay qaraxa sida ay shaacisay warbaahinta taageerta xarakada. Afhayeenka Alshabaab Sheekh C/casiis Abu Muscab ayaa sheegay in qaraxa lala beegsaday qaar ka tirsan cadowga Islaamka sida uu yiri oo ku hawlanaa hagardaamooyin ka dhan ah diinta, dalka iyo dadka Muslimiinta ah ee Soomaaliyeed.
Goobjooge.com
[ad name=”HTML-7″]