Monday, July 14, 2025

Faahfaahin qasaaraha dagaalkii Alshabaab kula wareegtay Yaaq-Bariweyne

Faahfaahin dheeraad ah ayaa ka soo baxeysa  dagaal kooxda Alshabaab maanta kula wareegtay degaanka Yaaqbari-weyne ee Gobolka Sh/hoose, halkaasoo ay ku sugnaayeen ciidamo ka tirsan milateriga dowladda Soomaaliya.

Alshabab

Guddoomiye Kuxigeenka Gobolka Sh/hoose C/fataax Xaaji Cabdulle ayaa Xaqiijiyay in Al-shabaab ay si buuxda u qabsadeen kuna sugan yihiin degaanka. Alshaab ayaa dhinaceeda  in dagaalkaasi ay ku qabsadeen Yaaqbari-weyne ay qasaare culus ku gaarsiiyeen ciidamada dowladda federaalka.

Alshabab waxay sheegtay in 15 askari ay ku dileen laba saldhig oo halkaasi ku yiilay, isla markaana ay qabsadeen 5 baabur oo midkood uu ahaa gaari Cabdi Bile oo qori Dhashiike ah saaran yahay.

Ciidamada AMISOM oo goobta ka dhowaan ayaan dagaalka ka qeyb qaadan waxayna wararku sheegayaan in ciidamadii ka firxadday Yaaqbari weyne ay gaareen saldhiga weyn ee Bali Doogle.

Goobjooge.com

[ad name=”HTML-1″]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON