Faahfaahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaysa dagaal labo maleeshiyo beeleed maanta ku dhex maraya duleedka magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan, kadib muran ka dhashay dhinaca daaqsinta.
Wararka ayaa sheegaya in dagaalka ay dhinteen 3 qof oo maleeshiyadi beeleed ee dagaalamay ah, iyadoo ay ku dhaawacmeen2 qof oo kale. Dhaawaca labada qof ee dagaalka ku dhaawacantay oo midkood xaalkiisu liito ayaa la dhigay xarun caafimaad oo ku taal xaafada Howl-wadaag ee magaalada Beledweyne.
Degaanka Qarancad oo saakay dagaalka uu ka qarxay ayaa hadda la soo sheegayaa in dagaalka iskiis u istaagay, waxaana dagaalkaasi baaqyo u jeediyay odayaasha gobolka Hiiraan.
Goobjooge.com