Wednesday, June 25, 2025

FAAHFAAHIN: Qasaaraha weerarkii Kismaayo & qofkii is-maadaamiyay oo la aqoonsaday

FAAFHAAHIN hordhac ah ayaa ka soo baxeysa weerarkii is maadaaminta ahaa ee goor dhoweyd lagu qaaday xarunta ciidamada maamulka Jubba iyo dowladda federaalka oo loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa.

qarax-miino1Qarax

Askarta dhimatay ayaa la sheegay inay ka badan yihiin 12, halka iyado dhaawacuna gaaray 18 kale, askarta ayaa waxyeelo balaaran ka soo gaartay iyadoo jirkooda isku darsamay. Kooxda Alshabaab ayaa sheegatay inay qaraxani ka danbeysay.

Saraakiisha ciidamada Kismaayo ku sugan ayaa sheegay qofka is miidaamiyay inuu ahaa askari ka tirsan ciidamada halkaas ku jiray muddo sanad ah oo si weyn loo yaqaanay, waxayna arrintan naxdin ku noqotay ciidamadii iyo saraakiishii xerada ku jiray oo u qaadan waayay waxa dhacay.

Askarta qaraxa ku dhimatay ayaa la sheegay inay ka mid yihiin saraakiil tababarka ciidamada qaabilsanaa iyo askar caadi ahba, waxaana la sheegay in qaar ka mida ciidamada dhaawaca ah loo dhoofin doono Magaalada Nairobi .

Alshabaab oo dagaal kula jira dowladda federaalka iyo maamulada dalka ka jira ayaa sii xoojinaya weeraradooda iyagoo ku guuleysatay inay dhex galaan ciidamada.

Goobjooge.com

[ad name=”HTML-1″]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON