Monday, July 14, 2025

Faahfaahin: Qasaare ka dhashay madaafiic lagu weeraray magaalada Baydhaba

Madaafiic hoobiyeyaal ah ayaa xalay lagu weeeraray magaalada Baydhaba, iyadoo lagu eedeeyay inay ka danbeysay kooxda Alshabaab.

 Madaafiicda ayaa intooda badan ku habsaday xaafadda loo yaqaan Wadajir ADC oo aad ugu dhow Garoonka Diyaaradaha magaalada Baydhabo, waxaana la sheegay in madaafiicda qaarkood ay ku dhaceen  gudaha garoonka kadib saqdii dhexe ee xalay.
Waxaa la xaqiijiyay in qof ku dhintay Madaafiicda, halka ay ku dhaawacmeen dad ka badan 4 ruux, waxaan weli socda xaqiijinta qasaaraha Madaafiicdaasi.
Waxaan la ogeyn qasaaraha ay geysteen madaafiic ku dhacday saldhigyada ciidamada Itoobiya ee Magaalada Baydhabo, waxayna wararku sheegayaan in tirada madaafiicda la maqla ay gaarayeen 10 madfac.
Madaafiicda ayaa dadka Baydhaba ay sheegayaan in laga tuuro duleedka Magaalada Baydhabo, iyadoo ay soo noqnoqdeen weerarada madaafiicda ee lagu qaado Baydhaba.
Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON